(Torino) 03 Dis 2019 – Katia Aveiro ayaa kusoo booddey daafaca walaalkeed, iyadoo ka jawaabaysa hadal qanjiirin ahaa oo uu Ronaldo ka sheegay daafaca Liverpool ee Virgil van Dijk oo ay Instagram-ka uga jeexjeexday.
Van Dijk ayaa markii la waydiiyay jookarka Juventus wuxuu si sahal ah u yiri ”oo ma musharrixiinta Ballon d’Or ayuu ka mid ahaa?!!”
Jeer uu billadda gacanta ku hayay arbaha Barcelona ee Lionel Messi oo markiisii 6-aad koobka qaatay xaflad lagu qabtay tiyaatar caan ah oo ku yaalla Paris, iyadoo uu gaashaanka Reds kaalinta 2-aad galay.
“Hadda, qaali Virgil-oow, meesha aad marayso, Cristiano Ronaldo wuxuu tegey kana soo laabtay kun jeer,” ayay abaayo warkeeda ku bilowday.
“Waa ujeeddaa, qaali Virgil-oow, in Cristiano Ronaldo uu 3 jeer horyaalka ka qaaday dalka aad hadda ka ciyaarto (Ingiriiska), halka aadan adigu weli koobkaa gacan ku dhigin.
“Cristiano Ronaldo wuxuu xitaa dalkaa ka noqday gool dhaliyaha iyo laacibka ugu wanaagsan Virgil. Si kastaba, anigu waaba kaa yaraa.” ayay daba dhigtay, waloow qaybtan dambe ee yaraanta la fahmi waayay halka ay sheekada kasoo gashay.
(Hadalsame) 09 Maarso 2025 - Calooleyda ayaa inta badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda ariga iyo idaha.
Bulshooyinka qaar ee adduunka...
(Hadalsame) 01 Dis 2023 – Xoghayihii hore ee Arrimaha Dibedda ee Maraykanka, Henry Kissinger, oo kaalin mug leh ku lahaa siyaasadda arrimaha dibadda xilligii...