Soorto ka tirsan Southwest Airlines oo bahdil u gaysatey Mehdi Hasan & xaaskiisa (Sidee wax u dheceen?)

0

(Houston, TX) 03 Dis 2019 – Weriyaha Al-Jazeera ee Mehdi Hasan ayaa Isniintii wuxuu dayuuradda Southwest Airlines ku eedeeyay hab-dhaqan cunsuriyadeed, kaddib markii ay soorto diyaaradda ka shaqaynaysey ay xaaskiisa ugu hanjabtey inay dayuuradda ka reebayso kaddib markii ay rakaab kale waydiisatey inay booska kala bedeshaan.

Dhowr tweet oo uu soo qoray, wuxuu Hasan ku sheegay in xaaskiisa oo asturani ay qof kale si asluubaysan u waydiisatey in ay fadhiga kala bedeshaan si ay qoysku isula fariistaan, jeer ay u kala duulayeen Washington iyo Houston.

Hasan ayaa soortadii dayuuradda ku eedeeyay inay si ula kac ah xaaladda cirka ugu shareertay, welibana ay u yeertey shaqaalihii dhulka joogey, tiiyoo aanu wax ashtako ah qabin qofkii fadhiga la waydiistey oo uu sheegay inuu weliba ogolaaday kala bedelka, isagoo wacad ku maray in aanu dib u raaci doonin Southwest Airlines.

Ma aha markii ugu horreeysey ee SA lagu eedeeyo inay shaqaaleheeda uga raalli tahay falalka midab takoorka ah.

Tusaale, 2018-kii, shaqaale madow ah oo u shaqayn jirey ayaa dacwad ku oogey isagoo ku eedeeyay in la takooray, isla markaana ay shirkaddu leedahay qolal lagu nasto oo caddaanka oo qura loo ogol yahay.


Hadalsame Media