”Aaway shaqadaadii?” – Taliye Xigeenka Booliiska oo dhaliil kala kulantay jawaab ay siisay Sheekh Keenyaawi

0

(Muqdisho) 27 Nof 2019 – Waxaa beryahan taagnayd dood ka dhalatay hadal uu sheegay Sheekh Keenyaawi oo ku saabsanaa inay habluhu guurka ku dadaalaan intii ay waqti ku lumin lahaayeen raadinta PhD.

Keenyaawi ayaa warkiisa ugu qiil sameeyay in raadinta PhD iyo ku shaqaynteedu ay gabadha ka cunayso ugu yaraan 40 sanadood, markaas kaddibna ay adkaanayso inay yeelato nolol qoys oo micne leh, sida uu qabo.

Ha yeeshee, arrintan oo ay aad uga doodeen dadka u dooda arrimaha cadaaladda jinsiga iyo haweenka ayaa waxaa dadka ka hadlay ka mid ah Taliye Xigeenka Ciidamada Booliiska Somalia, Ms Sakiya Xuseen oo Twitter-ka kusoo qortay sidatan:

in qalab la yiraah IVF aduunyada laga helo oo 60 jir adigoo ah xitaa wax ku dhali kartid ee aboow be happy.”

Waloow aysan jawaabtani aysan iskeed u khaldanayn, in kastoo ay ku jiraan kelmado aan rasmi ahayn (informal), misna dad badan ayaa sheegay in marka la eego xeerarka dhexdhexaadnimada ee Ciidamada, aysan Sakiya ku habboonayn inay arrintan fikir ka dhiibato, maadaama ay tahay sarkaal dowladeed (public official) oo ka tirsan weliba qaybta amaanka.

Dadka qaar ayaa diiradda saaray in Taliye Xigeenku ay diiradda saarto dhanka amaanka dayacan, halkii ay ku mashquuli lahayd hardan jinsi.


Hadalsame Media