(Kampala) 25 Nof 2019 – Waxaa la sameeyay isku aadka Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee CECAFA SENIOR CHALLENGE CUP dufcaddiisa 2019 oo sanadkan lagu qabanayo dalka Uganda.
Tartanka oo ay sanadkan kasoo qayb galayaan dalal ka xooggan kuwii sida joogtada ah uga qayb geli jirey sida DRC Congo oo dhaca Bartamaha Afrika ayaa socon doona 7-19 bisha Diseembar ee soo aaddan.
Haddaba, tirada guud oo ah 12 xul ayaa waxaa loo qaybiyay 3 guruub oo min ah, iyadoo ay Somalia gashay Wareegga B, waxayna xulalku guud ahaan guruubyada u kala galeen sidatan:
Group A: Uganda – Burundi
– Ethiopia
– Eritrea
Group B: DRC Congo – Sudan
– South Sudan
– Somalia
Group C: Kenya – Tanzania
– Djibouti
– Zanzibar
Somalia ayaa waxaa metelaya inta badan isla xiddigihii beri dhowayd loo bogey ee wacdaraha ka dhigay kulankii isreebreeb-horaadka KA2022 ee ay dirqiga ku reebtay kooxda Zimbabwe oo lagu soo daray rag kale oo laga soo xulay kooxo ka dhisan qurbaha.
Hadalsame Media