(Hadalsame) 24 Nof 2019 – Suufiyadu haddii ay Sheekh Umal ku haysteen arrimo faham ama fasir diin xiriir la leh, in ay shibbiyaan ma ahayn ee ay fursad uu isku beri yeello ama kula adkaysto aragtidiisa siiyaan ayay ahayd.
Doodda Suufida iyo Salafiyada waligeed ayay jirtay, mana ogi meel ay ku heshiiyeen ama xataa ku dhaheen qof ba ha haysto waxa uu Sheekhiisu u qoray -Illeen Soomaalidu wax ma qorto ee wax la qoray ayay fasirtaa ye.
Hadda oo Sheekh Umal loo diiday xuquuqdiisi shaqsiga ahayd, dad badan oo taageeraanaa na ay ka xun yihiin waxa dhacay, waxaa gudboon,
1. In Sheeekh Umal uu muxaadaro qabto, oo uu ku faahfaahiyo waxa lagu haysto oo uu qaarkood inkiray ba. Uu caddeeyo mowqifkiisa iyo daliillada uu haysto.
2. In Suufiyadu haddii ay dood ka qabaan waxa uu Sheekhu sheegay-siina faahfaahin doono- ay ka jawaabaan, naqdiyaan, dooddaasuna ay sidaas ku socoto, laakin aan fowdo iyo xoog sheegad laga dhigin arrinta.
3. Sida muuqata, Suufi oo manhaj Ciraaq wadata iyo Salafi oo Manhaj Sucuudi wadata iyo koox kasta oo kale oo dal dibadda ah manhaj iyo afkaaro ka keensatay dalkeena SOOMAALIYA uma roona, kumana heshiin doonaan.
Dowladda waxaa laga rabaa dhawaan iyo fogaanba in ay sharciyo iyo siyaasado ka soo saarto Diinta iyo waxyaabaha ku xeeran, taas oo muwaadiniinta si simman u xaq siinaysa, si looga fogaado in qolo ay qolo kale ama qof muwaadin ah maquuniso, ama uu qof iska yiraahdo waxaa si dhici maayaan, taas oo ah foowdo aanu XAQ u lahayn qofna.
Culimada kala qabta.
Waxaa Qoray: Yuusuf Maxamuud
Hadalsame Media