Xulka Somalia oo wacdaro ka dhigay qiimanta FIFA (Imisa boos ayuu sare u kacay?)

0

(Nyon) 24 Nof 2019 – Xulka Somalia oo horraantii bishii Sebtembar wacdaro ka dhigay ciyaar laba lugood ahayd oo ka tirsanayd KA2022 lagu dhigayo Qadar, ayaa haatan bootin dheer ka sameeyay dhanka qiimaynta billaha ah ee FIFA.

Xulka Somalia oo uu dirqi ku reebay dhiggiisa Zimbambe oo isu gayn 3-2 kaga badiyay, jeer ay noolayd rajada Somalia tan iyo daqiiqaddii ugu dambaysey lugta 2-aad, ayaa haatan 4 kaalin sare u kacay.

Somalia ayaa haatan gashay kaalinta 198-aad, iyadoo kasoo ruqaansatay kaalinta 202-aad ee kala sarreeynta xulalka adduunka, waxaana xusid mudan in celcelis ahaan aysan Somalia marna dhaafin kaalinta 192-aad tan iyo markii la sameeyay qiimaynta FIFA.

Ismaaciil Diyeeshe, oo ka mid ah ragga Yurub iyo Ameerika kasoo xula laacibiinta Soomaaliyeed ee u safta xulka Somalia ayaa arrintan ku tilmaamay tillaabo horay loo qaaday, isagoo dhanka kale sheegay in hadda kaddib uu xulku heli doono xiddigo si joogto ah ugu safta, taasoo ah arrin aan awal inta badan dhici jirin.

Hadalsame Media