(Nairobi) 24 Nof 2019 – Waxaa magaalada Nairobi soo gaarey MW maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe oo beri dhowayd Kismaayo ku qabtay doorasho weli lagu muransan yahay.
Warar hoose ayaa sheegaya in Axmed Madoobe ay u yeertey Dowladda Kenya oo dhegihiisa ku dhibcin doonta in mar kale la qabto doorasho ka hufan kana daah furan middii hore.
Axmed Madoobe ayaa tan iyo doorashadaas wajahayey go’doon siyaasadeed kaddib markii ay u dayrisay beesha caalamka, gaar ahaan QM oo runta u sheegtay, waxaa intaa dheer inay ku fallaagoobeen qaybo ka tirsan dhulka uu maamulkiisu ka talin lahaa sida Gedo.
Intaa ayaa waxaa ugu sii darsamay Dowladda Kenya oo bilowday inay caadiyayso xiriirka diblomaasiyadeed ee ay la leedahay DF Somalia oo ay xumaysay horraantii sanadkan, taasoo Axmed Madoobe oo Kenya la olog ah siisay fursad uu ku sii howlgalo.
Warar aan weli la xaqiijin ayaa sheegaya in Dowladda Kenya ay Somalia ka ballan qaadday inay faraha ka qaadi doonto arrimaha gudaha Somalia kaddib kulankii Nairobi ku dhexmaray Madaxwaynayaasha labada dal, taas oo ka dhigan jug kale oo ku dhacday filashadii Axmed.
Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in laga hadli doono xaaladda murugsan ee gobolka Gedo oo weli loo diiddan yahay MW Xigeenka Jubbaland iyo in uu Nairobi iman karo MW Puntland Siciid Deni, balse weli wax la hubaa ma jiraan.
Hadalsame Media