”Waa cafiyay ciddii igu geftey, haddii aan dad dilkooda fadwoonayana uma soo gurmadeen oo xumaantooda kama nexeen!” – Sh. Umal

0

(Muqdisho) 24 Nof 2019 – Sheekh Umal oo ka hadlayay madal loo dhigay soo dhowayntiisa ayaa soo hadal qaaday doodihii ka dhashay muxaadaro uu ka jeedin lahaa Garoonka Inj Yariisoow.

“Dhamaan waan cafinayaa dadkii wax ii gaystay,” ayuu yiri Sheekh Umal oo muujinaya niyad wanaag.

Waxaa doodda lagu diiddan yahay muxaarada Sheekha bilaabay Sheekh Soomoow oo warkiisa ugu qiil sameeyay in Umal uu jeediyay fadwooyin xag-jirnimo ah.

“Haddii aan fatwoonayo in umad Muslim ah la dilo, hadda uma soo gurmadeen dhibaatadoodana kama naxeen,” ayuu taas uga jawaabey Sheekh Umal oo sanadihii dambe cod aad u dheer ku cambaaraynayay falalka xag-jirnimada ah ee lagu laynayo shacabka Soomaaliyeed.

“Ma ihi nin u xanaaqsan muxaadaro ayaa laguu diiday, Muqdisho waa magaaladaydii, ma qabo inaad raali gelin isiisaan, oo cuqdad ma qabo, waan cafiyey wadaadkii [Soomow] iyo dadkii kale ee igu gefay.” ayuu yiri.

”Waxaan muxaadarada u baajiyey inaan ugu yaraan fof Soomaaliyed dhiig ka daadan ama ruux babsi u geli lahaa, iyadoo weliba ay dawladdu rabto” ayuu yiri Sheekh Umal oo ka hadlaya sababta uu muxaadarada u baajiyay.

Hadalsame Media