(Nairobi) 24 Nof 2019 – Ethiopia ayaa sheegtay inay Kenya kula heshiisey inay hal terminal oo qallalan ku yeelayo dekedda casriga ah ee laga dhisayo khoorka Lamu ee dalka Kenya.
“Markii uu MW Uhuru Kenyatta booqday Ethiopia bishii Maarso, RW Abiy Ahmed waxay ka wada hadleen in Itoobiya dhulkaa looga qoondeeyo Lamu, gaar ahaan meesha laga dhigayo terminaalka,” ayuu yiri Danjiraha Ethiopia ee Kenya Meles Alem, oo la hadlay The EastAfrican.
Kenyatta oo hoggaaminayay wefdi ballaaran oo ganacsato u badan ayaa Addis Ababa ku tegey booqasho shaqo oo laba maalmood qaadatay, kaasoo lagu sameeyay Madashada Ganacsiga iyo Maalgashiga labada dal oo ay soo xaadireen in ka badan 400 oo ah ganacsato u dhalatay labada dal.
Labada dal ayaa isku raacay bilowga dhabbaha Lamu Port-South Sudan-Ethiopia Transport Corridor (Lapsset), si ay uga faa’iidaystaan fursadaha dhaqaale ee gobol waynaha Bariga Afrika oo idil.
Mashruuca Lapsset Corridor, ayaa wuxuu ka kooban yahay dekedo, tubbooyinka dareeraha qaada, jidad, xadddiidyada tareenka iyo kaabayaal kale oo isku xiraya Kenya, Ethiopia, iyo South Sudan.
Bishii Oktoobar, Kenya ayaa soo afjartay terminaalkii 1-aad oo ay ku baxday Ksh32 bilyan oo shilin ($320 million) oo laga dhisay Lamu Port, waxaana bilowday dhismaha terminaalka 2-aad.
Kenya ayaa guud ahaan doonaysa inay Lamu Port ka dhisto 32 terminaal, iyadoo sheegtay inay kaga sara mari doonto tartanka dekedaha laga dhisayo min Bab el-Mandab (oo isku xira Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed), iyo Badwaynta Hindiya min Muqdisho ilaa Maputo (Mozampique), waa sida qoraalka loo dhigaye.
Danjire Alem ayaa sheegay in Itoobiya oo ay deggan yihiin 101 milyan oo qofi ay sidoo kale u baahan yihiin adeegsiga dekedaha gobolka oo idil, balse Somalia oo waqtigeeda ku dhamaysatay qoonsi gudeed iyo mid dibadeed oo aan qaab lahayn ayaa sida muuqata ka dib dhacaysa baraarugga guud ee gobolka ka jira ee ku dhisan in la wada shaqaysto lana kala faa’iidaysto.
Tan kale, Dekedda Lamu laga dhisayo waxay aad ugu dhowdahay dekedda 4-aad ee Somalia ee Kismaayo, taasoo ay ku dilayso tartan ay dekeddaasi mustaqbalka gasho, maadaama aysan ka istaraatijisanayn waxay ku dilaysaa qaadka iyo casrinimada.
Hadalsame Media