(Hadalsame) 24 Nof 2019 – Wasaaradda Awqaafta iyo Diinta DF Somalia ayaa ugu dambayn baajisay muxaadaro uu Sheekh Umal ku qaban lahaa garoonka Inj. Yariisoow ee magaalada Muqdisho, kaddib markii uu muran ka dhashay qabsoomideeda.
Waxaa dooddan bilaabay Sheekh Soomoow oo Sheekh Umal ku eedeeyay inuu yahay ”geed fadhiga faafinta xag-jirnimada”, balse marka laga soo tago in Sheekh Umal uu marar badan muujiyey inuu aragtidaa bedeley misna moowduuca lagaga hadli lahaa muxaadarada garoonku xag-jirnimo kuma saabsanayn, sida magaceeda ka muuqatey.
Waxaa intaa dheer, in haddii fikrad la isku khilaafsan yahay ay sida ugu wanaagsani tahay in qaab silmi ah oo xasilloon looga doodo inta madal lagu ballamo, iyadoo uu qofba keenayo daliil caddaynaysa inuu qofka kale khaldan yahay.
Waxaa kale oo xeerin mudan in wadaadku uu Somalia u yimid qaybinta gargaar uu soo ururiyay, taasoo ah arrin qaddarin leh iyo sidoo kale, inaan caamada lagu abaabin inay xushmad darreeyaan culumada oo afka ku taagaan, sida aan ku aragnay baraha bulshada.
Ha yeeshee, midda khaladka ah ee aanay ahayn in qofna laga aqbalo hadda kaddib waa in ay koox, qof iwm iska soo saaraan amar ku aaddan in dhacdo hebel dhacayso iyo inaysan dhici karin, taasi ma aha xuquuq iyo sharciyad ay koox gaar ihi yeelan karto, waxayna keenaysaa foowdo iyo is dardar aannu haatan kasoo doogayno, loomana baahna sharcina maaha.
XILDHIBAANNADU IMISA XEER AYAY RAACAAN?
Waxaa ka daran, Xildhibaannadii beryahan oo dhan qaylinayay markii sida ay sheegeen la ”xannibay siyaasiyiin” dalka u kala safrayay, sidaa darteedna lagu tuntay dastuurka ay maanta taageeraan inuu qof iska yiraahdo ”hebel meel hebla wax kuma qaban karo” taasoo kasoo horjeedda is xuquuqdii madaniga ahayd ee ay dorraad lahaayeen waa lagu tuntay.
Ugu dambayn, waxaa wanaagsan in ay dadku maanka ku hayaan iskana eegaan dadka markasta foowdada taageera, iyagoo aan wax mabda’ ah xambaarsanayn, balse kaliya doonaya foowdada qura, umaddani waa isku diin, isku dad iyo dhaqan, waxyaabaha la isku hayana waxaa ka badan waxa la isku raacsan yahay.
FG: Xitaa kama hadlin sida ay isu burrinayaan in qof lagu maago wuu fatwooday, iyadoo la taageerayo qaar dagaallada ka qayb qaatay. Waa loo baahan yahay in la diido afkaaraha xag-jirnimada ah, balse waxaa loo baahan yahay cadaalad iyo wajahaad isku mid ah.
Waxaa Qoray: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media