Xisbiga Wadajir oo 3 SHURUUDOOD ku xirey kasoo qaybgalka kulanka Xukuumadda & madaxda mucaaradka!

0

(Hadalsame) 23 Nof 2019 – Xisbiga Wadajir wuxuu diyaar yahay in uu ka qaybqaato kulammada looga arrinsanayo hannaanka doorashooyinka 2020-ka, haddii ay caddaato in madaxweynuhu daacad ka yahay wadatashiga la xariira doorashooyinka 2020-ka, wuxuuna xisbigu dhab u qaadanayaa wadatashiyada, haddii tallaabooyinkan uu marka hore Madaxweynuhu qaado;

1 – In uu si cad afkiisa uga ballan qaado shacabka Soomaaliyeed in uu san hal maalin ku darsanaynin muddo xileedkiisa, doorashada labada aqal ee Baarlamaanka iyo Madaxweynahana la qabanayo xilliga uu muddo xilleedkoodu ku eg yahay

2 – In uu ku dhawaaqo in aysan suuragal ahayn qabashada doorasho qof iyo cod ah, caddeeyana in uu diyaar u yahay in saamilayda siyaasadeed ka wada xaajoodaan model-ka iyo hannaanka ugu haboon ee lagu qaban karo doorasho xilligeeda ku dhacda.

3 – In uu cudurdaar iyo magdhaw ka bixiyo weerarkii 17 Dec uu ku soo qaaday xarunta Xisbiga Wadajir.

Markii uu madaxweynuhu caddeeyo mowqifkiisa ku aaddan labadaas qodob ayey kulamada xisbiyadu macno yeelan karaan, intii ka horreysana waa maaweelo iyo marin habaabin muddo kororsi loogu gogol xaarayo.

Hadalsame Media