(Baqdaad) 23 Nof 2019 – Najah al-Shammari, waa Wasiirka Gaashaandhigga Ciraaq, balse isaga iyo xaaskiisuba waxay lacag cayr ah bil kasta ka qaataan dalka Swedish.
Najah al-Shammari oo dhalashada Swedish-ka qaatay 2015 kaddib markii uu halkaa degganaa 6 sanadood, ayaa waxaa haatan baaritaan ku haysa dowladda Sweden, sida lagu dhigay Nyheter Idag.
Siyaasigan oo ku nool magaalo ka yara baxsan Stockholm, ayaa waxaa arrintiisa lagu kashifay qoraal uu sidey Nyheter Idag kaasoo adeegsanaya warar ay ilo qarsoodi ihi soo dusiyeen, kuwaasoo ay ku jiraan dokumentiyo uu soo bandhigay weriye ka tirsan AFP oo la yiraahdo Ammar Karim, kaasoo saldhigta Baghdad.
Al-Shammari iyo xaaskiisa ayaa waxaa haatan baaris ku haysa Hay’adda Caymiska Bulshada (Försäkringskassan) oo bil kasta u shubta 9 400 oo karoonka Swedish-ka ah oo u dhiganta $976, waxaana lagu haystaa inuu xog khaldan bixiyay taasoo dembi wayn oo maaliyadeed ka ah Sweden, haddii qofku ku koco khiyaamayn ka dhan ah khasnadda dadwaynaha.
Wasiirka ayaa la sheegay in uu Sweden yimaado hal todobaad iwm sanadkiiba, si ay iskaga dhigaan inay weli Sweden deggan yihiin, iyagoo xitaa ijaarey gurigoodii, waxaana mar uu gurigiisa la xiriirey Nyheter Idag lagu damiyey telefoonkii markii ay waydiiyeen arrinta al-Shammari.
Hadalsame Media