Ma taqaannaa dalka qura ee Afrikaan ah ee weli qayb ka tirsan la GUMAYSTO? (Midowga Afrika oo baaq kasoo saaray)

0

(Port Louis) 23 Nof 2019 – Ururuka Midowga Afrika ayaa Jimcihii dalka Britain ugu baaqay inuu gebi ahaanba iskaga baxo gasiiradaha Chagos Islands iyo in uu si buuxda ugu celiyo dalka ay ka tirsan yihiin, maadaama uu dhacay waqtigii uu u qabtay UN-ku.

Jasaa’irka Chagos Islands waxay ka tirsan yihiin dalka dhaca bartamaha Badwaynta Hindiya ee laftiisu jasiiradaha ah ee  Mauritius, iyadoo uu Golaha Guud ee QM uu bishii Maajo u codeeyay in dib loogu celiyo Mauritius Nof. 22 oo shalay ahayd.

Ururka MA ayaa Britain ugu baaqay inay adeecaan qaraarka QM oo ay taageeraan jasaa’irka Chagos Islands “oo gebi ahaanba gumaysi xor ka ah”, balse Britain ma aqoonsana doodda Mauritius ku sheeganayso geyigan.

“UK shaki ugama jiro inaan xor u nahay geyigan British Indian Ocean Territory (BIOT), kaasoo si buuxda uga tirsanaa Britain tan iyo 1814-kii,” ayaa lagu yiri war 5-tii bishan kasoo baxay Xafiiska Arrimaha Dibedda Britain.

Ilaa 200 oo dibad bexe ayaa ku mudaaharaaday Safaaradda UK ee Port Louis, caasimadda Mauritius, Jimcihii, iyagoo dalbaday inuu Ingiriisku xornimo u ogolaado jasiiradahaasi si ay dib ugu laabtaan, halkaas oo ay ku dhasheen.

British Indian Territory flag on flagpole waving cloudy sky background realistic 3d illustration

Hadalsame Media