(Muqdisho) 23 Nof 2019 – Waxaa haatan kulan kale oo dhexmaraya Madaxda DF iyo kuwa mucaaradka ihi uu ka soconayaa Madaxtooyada Qaranka ee Villa Somalia.
Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la qaadanaya qaar kamid ah Xisbiyada Siyaasadeed ee Kumeel Gaarka ah ee ka diiwaangashan Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka.
Kulamadan ayaa looga gol leeyahay in Madaxweynuhu uu wada-tashiyo ballaaran la qaato saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, lagana wada hadlo sidii doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku qabsoonta looga hirgelin lahaa dalka.
Xukuumadda haatan jirta oo muddo is adkaynaysey ayaa cadaadisyo badan kaddib ogolaatay inay la hadasho kooxaha mucaaradka ah oo laftooda lagu dhaliilo inay wax kasta siyaasadeeyaan.
Hadalsame Media