80% weerarrada ARGAGIXISO ee caalamka ka dhaca waxay ku dhacaan Muslimiinta (Daraasad)

0

(Nice) 23 Nof 2019 – Arrin kasoo horjeedda aragtida ay reer Galbeedku sida kaska ah u faafiyaan ee ah in Muslimiinta lala xiriiriyo argagixisada ayaa soo baxday, iyadoo la caddeeyay in ay Muslimiinta laftooda ku dhacaan 80% weerarrada argagixiso ee ka dhaca caalamka oo idil, sida uu soo saaray NGO Faranasiis ah.

“Muslimiintu waa kuwa ugu horreeya ee la kulma weerarrada argagixiso. Waxaa xusid mudan in Yurub laga aaminsan yahay in ay argagixisadu Muslim tahay, dhibanayaashuna aysan Muslim ahayn, balse taasi run maaha,” ayuu yiri Guillaume Denoix de Saint Marc, oo ah Maareeyaha hay’adda Faransiiska ah ee dhibanayaasha argagagixisada ee Association Française des Victimes du Terrorisme oo ka hadlayey Koongarayska 8-aad ee dhibanayaasha argagixisada, sida ay werisey Anadolu Agency (AA).

Sain March ayaa sheegay in kulankan oo ka dhacay magaalada Nice sidoo kale lagu casuumey Muslimiin badan oo dhibanayaal ah si dadka loo tuso xaqiiqada jirta.

“Argagixisadu waxay doonaysaa inaanu iska hor imaanno, balse waxaan doonaynaa inaan dhisno buundadaa ay burburinayaan,” ayuu yiri Saint March.

Faransiiska ayaa waxaa ku nool Muslimiinta ugu badan ee hal dal oo Yurubta galbeed ah ku nool waana 5 milyan, balse tan iyo 2015 waxay la kulmayeen nacayb iyo weerarro, iyadoo ay guud ahaan Yurub iyo galbeedka oo idil sare u kacayso Muslim nacaybku. Waxaa lasoo qaatay weerarkii masaajidda Christchurch, NZ.

Tusaale ahaan, 99% weerarradii argagixiso ee Yurub ka dhacay min 2006 ilaa 2009 waxaa fuliyay dad aan Muslim shaqo ku lahayn.

Hadalsame Media