
(Dhaka) 21 Nof 2019 – Nin masayrsan ayaa xabsi daa’in lagu xukumay kaddib markii uu faraha ka guray xaaskiisa si uu uga hor istaago inuu barato tacliin sare oo digrii ku qaadan lahayd.
Rafiqul Islam, 30 jir, ayaa indhaha ka xirey xaaskiisa Hawa Akhter, 21 jir, deetana afka ayuu ka xirey, isagoo u sheegay inuu siinayo haddiyad ka yaabis ah.
Yeelkeede, wuxuu sallaxay gacanteeda, kaddibna mar qura ayuu ka jaray 5 farood, intaa kuma harine mid ka mid ah qaraabadiisa ayaa faraha Ms Akhter ku ridey god qashin si aysan dhakhaatiirtu dib iskugu rakibin.
Mr Islam, oo ka shaqeeya dalka Imaaraadka Carabta ayaa xaaskiisa dhowr mar uga digey inay jiri doonto ”cawaaqib xumo ba” haddii aanay ka tanaasulin waxbarashada ay cayrsanayso.
Mohammed Saluddin, oo ah Taliyaha Ciidamada Booliiska Bangladesh ayaa tibaaxay in Mr Islam uu dembiga qirtay isagoo haatan ku xiran caasimadda Dhaka, isagoo wajahaya eedayn ku saabsan jir doorin abadi ah.
Kooxaha Xuquuqul Insaanka ayaa soo jeediyay in lagu xukumo xabsi daa’in.
Hadalsame Media