DAAWO: Xaliimo Yareey oo eedaysay Xisbiyada & Madaxda Maamullada kaddibna sheegtay war iyada kusoo noqday!!

0

(Muqdisho) 20 Nof 2019 – Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil (Xaliimo Yareey) ayaa ka hadashay waxyaabo badan oo ku saabsan sharciyadda Axsaabta iyo arrin ay ku dhaliishay madaxda Maamul-goboleedyada.

Guddoomiye Xaliimo Yareey ayaa ka hadashay shuruudo laga rabo xisbi kasta inuu fuliyo kahor inta aan lagu tilmaamin xisbi qaran oo aan weli dhicin, waxaana ka mid ah:

In xisbi kasta laga doonayo inuu 9 gobol ka furto xarumo xisbi, inay 10,000 oo cod bixiye ay gobollada kasoo qortaan iyo inay qaab xisbi u ekaadaan sida inay dhisaan qalfooftii xisbiga iyo qabashada Shirwaynihii Xisbiga, halka ay iminka u muuqdaan NGO uu qof leeyahay.

Xaliimo Yareey ayaa sidoo kale ka dhawaajisey arrin kale oo ay ku dhaliishay madaxda Maamullada, taasoo ah inay diiddan yihiin inay xisbiyadu xarumo ka furtaan dalka, iyadoo u sababaysay inay ka hor jeedaan doorashada qof iyo cod si ay iyagu usoo xulaan xildhibaannada.

Ha yeeshee, Xaliimo Yareey ayaa inta aanay warkaa sheegin sii afeefatay iyadoo sheegtay inay warkaa sheegayso maadaama aanay rajo ka lahayn siyaasadda oo ay iskaga baxayso, taasoo ay dadku u fahmayaan in kaliya runta la sheego markii siyaasadda laga boxo.

Hadalsame Media