DAAWO: Jeneraal Hindi ah oo ku baaqay in KUFSI WADAREED loo gaysto haweenka Muslimka ah ee Kashmiir (Dunida oo yaabban!)

0

(New Delhi) 19 Nof 2019 – Jeneraal howlgab ah ayaa xadka ka baxay kaddib markii uu isagoo ka qayb gelaya dood kulul oo TV ka socotey isagoo ku qayliyay “dhimasho waxay keentaa dhimasho, kufsina kufsi” isagoo ka hadlayey arrinta Kashmir, taasoo qayladhaan badani ka dhalatay.

Barnaamijka oo ah Bandhig siyaasadeed oo ka baxa TV9 Bharatvarsh Channel ayaa ku saabsanaa dad badan oo aan Muslim ahayn oo ka qaxayye Dooxada Kashmir Valley, tan iyo 1990-meeyadii, kaddib markii ay dadkaasi la kulmeen afduub, kufsi, khaarajin iyo dembiyo kale.

Doodda oo toos ahayd ayaa isu bedeshey ciyaar qaylo ah, waana marka uu S P Sinha, oo ah Jeneraal howlgab ihi ku qaylinayo: “dhimasho waxay keentaa dhimasho, kufsina waxaa ka fujiya kufsi,” sida uu qoray Print oo arrintan ka hadlay.

Arrinta uu ninkani ku dhawaaqay ayaa ah dembi dagaal iyo kicin umadeed, waxaa sidoo kale ku jirta inuu soo jeedinayo in la kufsado haweenka Muslimka ah, xilli ay xaalad adag wajahayaan dadka Jamu iyo Kashmiir oo iminka go’doonsan.

Ciidamada Hindiya ayaa iska fogeeyay warka Jeneraalkan hore oo ay sheegeen in aanu iminka wax howl ah iyaga u haynin, waloow uu isagu ka dhuuntay inuu arrintan ka jawaabo.


Hadalsame Media