(Hadalsame) 18 Nof 2019 – Waxaa beri dhowayd Nairobi muddo kaddib ku shiray Madaxda Kenya iyo Somalia kaddibna waxay soo saareen qodobbo dhowr ah, ha yeeshee, waxaa aad baraha bulshada iyo saxaafadda caadiga ahba u qabsaday warar kala duwan oo ay buufinayaan dad hadaf siyaasadeed ka dhex goobaya arrintan oo ay mar badan waxgaradku soo jeediyeen in aan marna la siyaasadayn, maadaama ay tahay masiir qaran.
Ragga qaar arrintan siyaasadeeya ayaa xitaa muujiya inay mararka qaar DF ku riixaan inay khasab kula heshiiso Kenya, sida wixii Kismaayo ka dhacay marka aad aragto, taasoo adkaysay inay dowladdu la xafiiltanto Kenya.
”Tabartooda ayaa la tusay!” ayuu yiri siyaasi ka mid ahaa raggii shirka Kismaayo ka qayb galay, isagoo ka dhigaya inuu la xafiiltamayo MW Farmaajo iyo RW Khayrre, balse dalkiisii bahdilaya.
Arrinta badda ee maxkamadda taal, marka xagga sharciga laga reebo, waxay leedahay raad bulsho, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale. Daraasad buuxda in siyaasiyiinteennu hayaan ma hubo. Natiijada maxkamaddu hubaal nooma aha.
In madaxdeenna lagu dirqiyo go’aan maxkamadda ka baxsanna waa suurtagal.
Ma habboon tahay in dadka aqoonta u le hawshan, xildhibaannada Federaalka ay daraasad mug leh iyo talobixin u u gudbiyaan madaxda?
Keenya siday jarta u ciyaari lahayd waa u diyaar oo waqti ayey gelisey hadba meesha la marayo inay la jaanqaaddo. Qiirada iyo goolasha siyaasadda ee la isku xumaynayo arrinku waa ka weyn yahay ee maxaa talo ah?
Waxaa wanaagsan in arrintan loo wajoho si deggan oo dadnimo leh.
Waxaa Qoray: Cabdulqaadir Diiriye & Maxmed Xaaji
Hadalsame Media