RW Khayrre oo Dooxa ka degey & ujeedka safarkiisa + Sawirro

0

(Dooxa) 16 Nof 2019 – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dooxa ee xarunta dalka Qatar.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa mas’uuliyiinta dowladda Qatar la yeelanaya kulamo looga hadlayo xoojinta xiriirka labada dal iyo iskaashiga dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kasoo laabtay safar shaqo oo uu kusoo maray Faransiiska iyo Belgium, halkaas oo ka qayb galka madasha nabadda Paris kadib uu kulamo kala duwan kula soo qaatay qaar kamid ah madaxda Midawga Yurub iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday dowladaha Caalamka.

Qadar ayaa hadda ka mid ah dalalka aad u caawiya soo kabashada dowladnimada Somalia, iyagoo dhowr mashruuc oo muhim ah ka wada dalka.

Hadalsame Media