Kulan la isku dhafray oo xalay dhexmaray Sheekh Shariif & Fahad Yaasiin (Maxaa kasoo baxay?)

0

(Muqdisho) 15 Nof 2019 – MD hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Agaasimaha hay’adda NISA Fahad Yaasiin ayaa xalay kulan ku yeeshay guriga uu Muqdisho ka deggan yahay Shariif Sheekh Axmed.

Warar ayaa waxay sheegayaan in kulankaas looga hadlay in la qaboojiyo xiisadda ka taagan Muqdisho iyo in xal rasmiya laga gaaro Khilaafka Dowladda iyo Xubnaha Mucaaradka oo maalmahaan eedo ka tirsanayay dowladda.

Kulanka oo soo gaaray 2:00am ee xalay ayaa dad xog ogaal u ahaa waxay sheegeen inuu aad u adkaa isfahamka labada dhinac taasoo keentay inuu dheeraado.

Waxaase la isku soo qaaday in xal laga gaaro waxyaabihii dhacay islamarkaana la xaqiijiyo inaysan dib u dhicin, ugu dambeynna waxaa la sheegay in ay isku soo dhawaadeen labada dhinac.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Cabi