(Muqdisho) 14 Nof 2019 – Xildhibaanka Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaannada aalaaba dhaliila Xukuumadda Federaalka ah ee haatan jirta ayaa Madaxwayne Farmaajo usoo jeediyay inuu shacabka u sharroxo heshiiska uu Kenya la gaarey.
Madaxtooyada Somalia ayaa sheegtay in aan marna laga wada hadlin doodda badda oo ay tilmaameen inay go’aaminayso Maxkamadda ICJ.
Yeelkeede, war kasoo baxay Madaxtooyada Kenya (State House) ayaa sheegay war midkaa ka duwan, kaasoo ah in sida ay yiraahdeen ”uu Madaxwaynaha Somalia ogolaaday in kiiska badda lagu dhamayn doono si ay wada aqbali karaan labada dhinac (Kenya-Somalia).
Hadalkan ayaa ka geddisan waxa ay shacabka u sheegtay Villa Somalia. Halkan ka akhriso heshiis qarsoodi ah oo la sheegay inay gelayaan labada dhinac.
Qoraal uu Xil. Mahad Salaad soo dhigay facebook ayaa u dhignaa sidatan:
”Madaxweyne Farmaajo cid ka akhrisanaysa in uu dhuunto majirto ee inta ummadda hor yimaado ha u sheego waxa uu Kenya kula heshiiyay!
”Warsaxaafadeedka galabta ka soo kala baxay Madaxtooyada iyo Wasaarada Arrimaha Dibeda Kenya waxa lagu sheegay in labada Madaxweyne Soomaaliya iyo Kenya Farmaajo iyo Uhuru ku heshiiyeen in arrinta dacwada Badda ee taala Maxkamadda Cadaalada Adduunka (ICJ) lagu xaliyo hab labada dhinac wada oggolyihiin. Taasoo micnaheedu yahay in dacwada Badda la soo celiyo kadibna wada hadal lagu xaliyo.
”Haddaba, waan aragnay mowqifka rasmiga ah ee dowlada Kenya waxaan ka codsanaynaa Madaxweyne Farmaajo in uu Ummadda hor yimaado runtana ka sheego waxa dowlada Kenya uu kula heshiiyay. Arintaan waa arin masiiri ah oo qaranimada Soomaaliya taabanaysa, mana jirto cid ka aqrisanaysa Madaxweynaha inta qolkiisa hoosta ka xirto in aamusnaan iyo dhuumasho uu ummadda ku siro!” ayuu kusoo afjaray Xil. Mahad Salaad.
FG: Waxaan ka cudur daaranaynaa erayada qoraalka ku jira qaarkood, haddii ay dadka qaar u arkaan kuwo aan meesha ku habboonayn.
Hadalsame Media