DHEGEYSO: ”Maxay tahay sababta aan annaga naloo dhegeysanayn ee loo maqlayo Kenya?!!” – DF Somalia oo sidoo kale ka hadashay wixii la iska yiri Jubbaland

0

(Nairobi) 14 Nof 2019 – Wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa faah-faahin ka bixiyey kulankii ay maanta magaalada Nairobi ku yeesheen madaxweyne Farmaajo iyo madaxweynaha Kenay Uhuru Kenyatta.

Cawad oo wareysi siiyey VOA ayaa ku adkeystay in la isku raacay in labada dal ay xiriir wanaagsan yeeshaan, oo kiiska maxkamadda ICJ uusan wax saameyn ah ku yeelan.

Mar Wasiirka la waydiiyey waxa laga yeelayo arrinta doorashada Jubbaland oo kaalinta 1-aad uga jirta waxyaabaha kale ee ay ku kala aragti duwan yihiin DF Somalia iyo Kenya, jawaabtiisu maka caddayn, oo wuxuu ku gaabsaday in wixii ”khilaafyo jirey in laga gudbo.”

Kelmaddaas ayaa ah mid dhinacyo badan u fasirmi karta oo uu waqtigu uun sheegi doono, balse dad badan ayaa aaminsan in Kenya ay adag tahay inay bedesho moowqifkeedii ku aaddanaa Jubbaland inta ay ka heleeyso sida ay rabto ama wadcigu uu si kale isu bedelayo.

Jamaal Axmed Cismaan oo ka tirsan VOA ayaa wareystay Wasiirka.

 

Hadalsame Media