DAAWO: Nin rasaas la dhacey dugsi sare oo ku yaalla Maraykanka, waxyeellada (Booliiska oo sheegay qaaradda uu kasoo jeedo)

0

(Santa Clarita, CA) 14 Nof 2019 – Ugu yaraan 3 qof ayaa lagu toogtey dugsi sare oo ku yaalla Santa Clarita, California, iyadoo sida ay saxaafadda maxalliga ihi sheegayso uu ninku weli baxsad yahay.

Booliiska ayaa loogu yeerey shilkan oo ka dhacay Saugus High School, kaasoo qiyaastii 40 mayl woqooyiga kaga beegan Los Angeles. Booliiska ayaan weli ka hadlin tirada waxyeellada.

Taliyaha Booliiska Los Angeles County ayaa sheegay in la tuhunsanuhu uu yahay nin Asian ah oo xiran “dhar madoow” kaasoo aan weli gacan lagu haynin.

Waxaa shaashadaha laga arkayay ardayda dugsigan oo gaaraysa 2,440 oo laga daad guraynayo Saugus High School, kaasoo ku yaalla Santa Clarita.


Hadalsame Media