
(Abu Dabeey) 13 Nof 2019 – Koox culumo ah oo gaaraysa 87 mufti ayaa Carabta iyo guud ahaanba Muslimiinta ugu baaqay inay qaadacaad siyaasadeed iyo mid dhaqaale ku sameeyaan dalka Imaaraadka oo ay ku eedeeyaan “mu’aamaradda iyo tixgelin la’aanta” uu kula kacay Yemen iyo Libya, sida ku qoran warqaadka Imaaraatiga ah ee Al-Khaleej Online.
Culumada ayaa warka ay soo saareen waxay ganacsatada Muslimiinta ku boorriyeen inay danahooda ganacsi “ka qaataan Imaaraatka oo ay sheegeen inuu dakhli badan ka helo ganacsatadaas”.
Waxay sheegeen in uu Imaaraadku dakhligaas Muslimiinta u adeegsanayo inuu “ku laayo Muslimiinta, calooshood u shaqaystayaal ku iibsado, afgembiyo sharci darro ah ku sameeyo, ku fashilo riyooyinka Carabtu iskaga dulqaadi lahaayeen kali talisyada isla markaana ay uga takhallusaan wax iska caabinta reer Falastiin iyagoo la safanaya ama u shaqaynaya Sahyuuniyadda”.
“Imaaraadku wuxuu sidaa darteed dakhliga Muslimiinta u adeegsanayaa inuu dilo Muslimiinta,” ayay ku doodeen culimadan warka soo saartay.
Hadalsame Media