Maxaad kala socotaa heshiiskii QARSOODIGA ah ee Somalia ka dhanka ahaa ee uu Kenyatta la galay Britain?!

0

(London) 12 Nof 2019 – War lagu faafiyey Daily Nation bishii Diseembar 24, 2016-kii, ayaa bannaanka soo dhigay qoraal dokumenti ah oo kasoo baxay Xafiiska RW Britain ee London, kaasoo daboolka ka qaaday heshiis qarsoodi ahaa oo 1967-kii ay Kenya Britain uga baryaysey inuu Somalia ka celiyo haddii ay kusoo duusho.

Mzee Kenyatta ayaa labadii wasiir ee uu ku kalsoonaa ee Bruce McKenzie (Beeraha) iyo Charles Njonjo u diray Britain si ay dalkaa ugala xaajoodaan arrintan, iyagoo la gaarey heshiis aan rasmi ahayn balse loo bixiyay “Is fahamkii Bamburi.”

Bruce McKenzie iyo Charles Njonjo waxay xubno muhim ah ka ahaayeen Golihii Wasiirrada ee Mzee Jomo Kenyatta.

Britain ayaa Kenya u ballan qaadday inay arrinta soo faragelinayso haddii ay lacalla Somalia soo duusho, taasoo aysan kasoo bixin mar ay Kenya xornimada kaddib ka dalbatay raxan ah dayuuradaha Hawker Hunter iyo BAC Strikemasters, iyadoo uu Wasiirkii Barwaaqa Sooranka ee Britain, Duncan Sandys, uu Kenya u sheegay inaysan iibsan karin dayuuradahaas.

Bishii Juun 1967-kii, waxaa labada dhinac dhexdhexaadiyey MW Zambia ee Kenneth Kaunda taasoo keentay inay labada dal ee Somalia iyo Kenya kala saxiixdaan wax lagu sheegay is faham lagu xallinayo muranka xuduudda, kaasoo ah heshiis aysan Somalia ilaa maanta si buuxda u aqoonsanayn.

Ha yeeshee, markale ayay soo noqotay cabsida Kenya, kaddib markii ay ciidamadu xukunka la wareegeen 1969-kii, waxayna Kenya ka cabsatay in uu soo weeraro taliskii Jeneraal Mohamed Siad Barre.

1970-kii, dowladdii Labour Party-ga ee Kenya kula heshiisey Isfahamka Bamburi waxaa bedeshey middii Conservative Party-ga ee uu hogaaminayay RW Edward Heath. Kenyatta ayaa markale u diray isla labadii nin (Njonjo and Mckenzie), bishii Agoosto 30, 1970-kii, iyagoo warqad uu ku saxiixnaa Kenyatta.

Mckenzie, oo xilligaa fasax ugu maqnaa isla Britain oo uu kasoo jeedo, ayaa ballansaday Xafiiska Arrimaha Dibedda iyo Barwaaqa Sooranka (FCO) oo ku yaalla Number 10 Downing Street, oo ah rugta Raysal Wasaaraha ee London, si uu warqadda ugu gudbiyo.

Ha yeeshee, waxaa Kenya lagu dejiyay in ay Britain saldhigyo cireed oo ay fadhiyaan dayuuradaha RAF Kenya ku leedahay iyo in ay ciidan lug lihi ka joogaan Nanyuki, balse Britain waxay doonaysey in heshiisku ahaado ‘mid aan lahayn ballan qaad cad oo ka go’an’ mana doonayn in ciidamadaasi ay toos qayb uga noqdaan tibxaha isfahamka. Heshiiskaas waxaa la iska durey iskafaallaha Matxafka Qaranka Britain, taasoo muujinaysa caga jiidkii Britain.

Maanta, wiilkii Kenyatta ee Uhuru, ayaa markale dood kula jira Somalia. Somalia oo Kenya ka diiddey inay xeer jajab kula dhamaysato dhulka ay Kenya sheeganayso ayaana dacwadda hor geysey ICJ oo markale dhegeysanaysa Juun 2020.

Hadalsame Media