Ronaldo oo sameeyay arrin ay ka naxsan yihiin taageerayaasha Juventus + Sawirro

0

(Torino) 10 Nof 2019 – Bilowgii waxay ahayd Lokomotiv Moscow, haatanna Milan: waxaa markii 2-aad oo xiriir ah muddo 5 maalmood ah la beddeley jookarka Cristiano Ronaldo.

Ha yeeshee, kulankii Champions League haddii uu wiilka reer Portuguese uu kaliya ku ekaaday inuu Sarri u muujiyo inuusan la dhacsanayn bedelka markan wuxuu qaaday tillaabo dheeri ah.

CR7 ayaan markan xitaa salaan u taagin macallinkiisa kaddib markii lagu bedeley Paolo Dybala oo guusha keenay, balse wuxuu toos u aadey qolka lebbiska, isagoon intaa ku ekaane inta gaarigiisa qaatay toos u aadey gurigiisa isla markii ay ciyaartu dhamaatay isagoo aan cidna macasalaamayn.

Arrintan ayaa muujinaysa carada laacibka oo uu macallinkiisu sheegay in aanu xaalad jireed oo wanaagsan ku jirin.

Hadalsame Media