
(Los Angeles) 08 Nof 2019 – Guddoonka Horyaalka Maraykanka ee MLS, Don Garber ayaa sheegay in weeraryahanka LA Galaxy ee Zlatan Ibrahimovic “ay la xaajoonayso kooxda AC Milan” si ay ugu soo celiso Serie A.
Qandaraaska laacibka ee LA Galaxy ayaa dhacaya bisha Diseembar wuxuuna muujiyay inuu diyaar u yahay inuu laabto Talyaaniga oo uu ku meteley kooxaha Juventus, Inter iyo AC Milan lafteeda.
“Zlatan waa nin xiise badan. Waa 38-jir ay iminka la xaajoonayso kooxda AC Milan, mid ka mid ah naadiyada waawayn ee caalamka, waan jeclaan lahaa inuu sii joogo, balse waxay taasi u taallaa LA Galaxy.” ayuu yiri.
Bologna ayaa horay loo sheegay inay la xaajoonayso Zlatan, balse lama oga inay Milan sheekada ku jirto inuu ninkani iska qiyaasayo oo qura.
Waxaa warkan todobaad kahor sii sheegay AS, iyadoo warka ninkan loo fasiran karo oo qura inay Milan laacibka la xiriirtey, rajo fiicanna ka leedahay soo noqodkiisa, maadaama ay tahay kooxda qura ee uu sheego inay ”siisay farxad iyo waqti fiican” waloow uu 2 sano uun la joogey.
#MLS, il Commissioner Don Garber si lascia scappare un “#Ibrahimovic al #Milan“.
Gaffe o anticipazione? #calciomercato pic.twitter.com/7Ry3vFkEYm
— MLSsoccerItalia.com (@MLSitalia) 7 november 2019
Hadalsame Media