DAAWO: Dibex baxayaal timaha ka jaray, rinji mariyay deetana iyadoo dacas la’aan jidadka wareejiyay Duqii magaaladooda + Sawirro

0

(Vinto) 08 Nof 2019 – Duqa magaalo yar oo ku taalla dalka Bolivia ayaa waxaa weeraray dibed baxayaal jidadka ku bahdiley iyadoo kaba la’aan ah, timaha ka jaray isla markaana wejiga ka mariyay rinji cas.

Patricia Arce oo ka tirsan xisbiga Mas Party ayay dibed baxayaashu markii dambe ku wareejiyeen Booliiska Vinto, iyagoo dhowr saacadood jidadka ku wareejinayay.

Arrintan ayaa qayb ka ah dibed baxyo rabshado wata oo ka dhashay doorashada madaxtinnimada dalkaasi, halkaasoo ay ugu yaraan 3 qofi ku dhinteen ilaa iminka.

Dibed baxayaasha ayaa xirey jidadka iyo buundooyinka magaalada yar ee Vinto, oo ku taalla gobolka Cochabamba ee bartamaha Bolivia, kaddib doorashadii dhacday 20-kii Oktoobar, iyadoo ay sheekadu ka bilaabatay markii suuqa lasoo geliyey war sheegaya in taageerayaasha Madaxwayne Evo Morales, ay dileen 2 ka tirsan dibed baxayaasha.

Hadalsame Media