”Waxaan aad u baqay markii cinwaankayga la dhigay baraha bulshada!” – Gabadha Soomaalida ah ee rikoodhka ka dhigtay Maine oo mashaqo ba’an la kulantay!

0

(Lewiston) 06 Nof 2019 – Jeer uu todobaad qurihi ka dhimanayaa doorashada maxalliga ah ee ay shalay ku guulaysatey, Safiya Khalid waxay ooyaysey iyadoo niyad jabsan.

Waxay 6-dii bilood ee ugu dambeeyay ku dhamaysatay inay garaacdo boqollaal albaab oo ku yaalla magaalada Lewiston, Maine, oo ah magaaladii ay qaxooti ahaanta u timid 20 sanadood kahor, iyadoo rajaynaysay inay noqoto gabadhii ugu horreeysey ee Soomaali ah ee Golaha Degaanka ku biirta, waana dhacday.

Yeelkeede, waxay Safiya la kulantay dhibaato badan oo uga imanaysay dadka cunsuriga oo online ku bartilmaameedsanayay, qaar baa aad u fogaa oo ku sugnaa gobollada Alabama iyo Mississippi.

Waxay u miisayeen nooc kasta oo aflagaaddo iyo liidmo ah, iyagoo u sheegaya inaan Muslimka waxba u oollin Ameerika ee ay ku laabato ”halka baase ay ka soo carartay – Somalia.”

“Ma xamili karaynin. Waxaan u ooyayay si xil leh ilaa ay indhahaygu casaadaan,” ayay Khalid u sheegtay Washington Post habeenkii guusha ee Talaadada.Khalid, oo Dimoqraadiga ka tirsan, ayaa waxaa ugu darnayd markii baraha bulshada la geliyay cinwaanka gaarka ah ee gurigeeda.

Safiya oo ka cabsatay in ay kooxaha cunsuriga ihi gurigeeda soo weeraraan ayaa tirtay boggeedii Facebook, waxayna bilowday inay qaybiso waraaqaha ay ugu tala gashay ololaha doorashadeeda.


Waloow ay 36,000 oo qof oo qur ihi ku nool yihiin Lewiston, misna musharraxnimada Safiya ayaa soo faagey wixii nacayb ahaa ee loo qabey dadka laga tirada badan yahay, iyadoo heshay dareen heer qaran ah oo inta badan taban, waxaana mararka qaar dadka lagu cabsiinayay inay noqonayso sidii Ilhan Omar (D-Minn.) iyo Rashida Tlaib (D-Mich.).

Wax kasta oo nolosheeda iyo haybteeda ah ayaa loo isticmaaley hub iyada lagu dilayo ahaan, waxay The Post u sheegtay in lagu weeraray inay tahay Muslim, haweenay, madoow iyo qaxooti.

“Daacaddii marbaan ku fikiray, ‘War heedhaha waxaan maxaan faraha ula galay?’” ayay qiratay Safiya.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media