Horyaalka Talyaaniga oo laga hirgelinayo 5 BEDDEL (IFAB oo codsi loo gudbiyay)

0

(Roma) 06 Nof 2019 – Xiriirka Talyaaniga ee FIGC ayaa si rasmi ah u codsaday in kooxaha Serie A loo ogolaado in ay 5 laacib bedelan karaan ciyaartiiba.

Serie A ayaa haatan caadiyan adeegsan kara 3 beddel oo ay ka qaadan karaan 12-ka laacib ee kaydka ah, marka laga reebo ciyaaraha gaara xilliga dheeriga ah oo beddel 4-aad loo ogol yahay, balse taas baa is bedeli karta.

Sida ay faafinayso wakaaladda ANSA, madaxwaynaha xiriirka FIGC ee Gabriele Gravina ayaa warqad rasmi ah u qoray hay’adda shuruucda kubadda cagta ee IFAB, isagoo waydiistey in tirada bedelka loo kordhiyo.

IFAB, waa hay’adda dejisa shuruucda, halka FIFA ay kaliya ku kooban tahay dhanka maamulka, iyadoo ay naadiyada Serie C iyo D ay horraanba fasax u heleen inay 5 beddel sameeyaan.

Haddii ay IFAB ogolaato codsiga Serie A, wuxuu Horyaalka Talyaanigu noqonayaa kii ugu horreeyay ee ka mid ah horyaallada waawayn ee Yurub ee isticmaala 5 beddel.

Hadalsame Media