“Gacaliso, waan jeclahay rootiga gubtay!” – Waxaan sugayay inuu aabbe xanaaqi doono!

0

(Hadalsame) 06 Nof 2019 – Madaxweynihii hore ee dalka Hindiya Dr. Avul Pakir Jainulabdeen Abdul Kalam oo geeriyoodey Bishii July 27-kedii Sannadkii 2015-kii, ayaa intii uu noolaa isaga oo ka sheekeynayey xiligii uu yaraa dhacdo uu la kulmay ayaa wuxuu yiri sidan:

“Waagii aan caruurta ahaa, Hooyadey ayaa cuntada noo karin jirtay. Habeen gaar ah ayay casho ay sameysay miiska u soo saartay Aabe. Waxay ahayd saxan subzi iyo Rooti aad u gubtay. Waxaan sugayay in uu aad u caroodo ama u xanaaqo ogaadana waxuu ka yiraahdo.

Laakiin Aabe wuu cunay rootigi wuxuuna I weydiiyay siduu ahaa School-keygi. Ma xusuusto waxaan u sheegay habeenkaa balse waxaan xusuustaa Hooyo oo Aabe ka raaligelinaysa rootiga gubtay, marna ma ilaawayo wixii uu ku yiri: “Gacaliso, waan jeclahay rootiga gubtay!”

Habeenkaa intaan Aabe dhunkaday ayaan weydiiyay inuu jecelyahay rootiga gubtay. Gacmihiisi intuu igu soo qabtay ayuu igu yiri: “ Wiilkaygiyow Hooyadaa maanta oo dhan ayay si adag u shaqeynaysay, aad bayna u daalaneyd. Rooti gubtay cidna ma waxyeelo laakiin Erayada aadka u daran ee naxariis la’aanta ah ayaa waxyeelo geysta!

Wiilkeygiyow Nolosha waxaa ka buuxa waxyaabo aan dhameystirneyn. Anigu ma ihi Qofka ugu wanaagsan, wax kastana ma aqaan. Waxbaan hilmaamaa marmar sida qof kasta oo kale. Waxa uu waayuhu i baray waa: In la aqbalo qof kasta ciladihiisa lana doorto in loo dabaaldego lana dhiirigeliyo xiriirka”

Noloshu way gaaban tahay iska jir in aad hurdada ka toosto adigoo qoomameynaya. Jeclow dadka kuula dhaqma si wanaagsan, u naxariiso oo cafi dadka kuula dhaqma sida xun.

Ha ku deg-degin inaad qof dhaleecayso sababtoo ah ma sameeyo waxa aad sameyso ama uma fakiro sida aad u fakirto ama si dhaqso ah. Waxaa jirtay xilli adiguba aadan garaneyn waxa aad hada taqaan.

Diyaariye: Muuse Guullane

Hadalsame Media