Somalia oo bisha soo socota bixinaysa shatiyadii SHIDAAL ee ugu horreeyay (Imisa bilyan oo fuusto ayaa ku jira baloogyada la bixinayo?)

0

(Cape Town) 05 Nof 2019 – Somalia ayaa qorshaynaysa inay bixiso shatiyadii ugu horreeyay ee ay abid ka samayso saliidda iyo gaaskeeda marka la gaaro bisha soo aaddan ee Diseembar, sida ay maanta sheegtay DF Somalia.

Somalia ayaa doonaysa inay soo jiidato maalgeliyeyaal caalami ah kaddib 30 sano oo dagaallo sokeeye oo micne darro ah.

“Waxaannu shatiyada koowaad rukhsadooda bixin doonnaa bisha Diseembar,” ayuu yiri Wasiirka Shidaalka iyo Khayraadka Dabiiciga ah, Abdirashid Mohamed Ahmed oo la hadlay Reuters, mar uu ka qayb gelayay Shirka Afrika ee Saliidda iyo Gaaska oo lagu qabtay Cape Town.

“Waxaannu soo bandhigaynaa 15 baloog saliideed,” ayuu daba dhigay Wasiirka oo sheegay in qiyaasta saliid ama gaas ee 15-ka baloog kaliya ku jirta lagu qiyaasayo ilaa 30 bilyan oo fuusto oo saliid ah.

Hadalsame Media