CIRKA WAA LA GAARAA: Min shaqo dhul xaaqe ilaa shahaado PhD ah (Haweenay dunida ka yaabisay)

0

(Hadalsame) 05 Nof 2019 – Waxay ka soo tagtay hoteel nadiifin, kaddibna qaadatay shaahada sare ee PHD-da.

Matshidiso Lelaka, waa gabar Koonfur Afrikaan ah oo mar ahayd mid ka shaqaysa huteel nadiifinta si ay u uruursato lacag ay wax ku barato.

Lelaka waxa ay ka shaqo biloowday hudheelka sannadkii 1995, hooyadeed oo iyadana ahayd shaqaale guri ama jaariyad, ayaa ku dhiirrigelisay inay lacag kaydiso si ay wax u barato.

Sidookale waxa ay abaalmarino lacageed ka heshay martida caalamiga ah ee huteelka ay ka shaqayn jirtay ku soo degi jiray.

Lelaka waxaa laga aqbalay Jaamacadda Fort Hare bartamihii sanadkii 1996-kii, waxayna ka tagtay hoteelkii si ay diiradda u saarto waxbarashadeeda. Horaantii sanadkan waxa ay u dabbaaldegtay guusha ay ka gaartay qalin-jabinteeda, laakiin in ka badan labaatan sano kahor, waxay ahayd mid xaaqda huteel!!

Shahaadada PHD-da ayeey ka qaadatay Suugaanta iyo Falsafadda.

Waxaa Diyaariyay: Ismaaciil Fanax

Hadalsame Media