DAAWO: Muuqaal qarsoodi ah oo muujinaya ciidamada Yuhuudda oo qaab ”BAASHAAL” ah u tooganaya nin Falastiini ah + Sawirro (Ha daawan haddii aad nugushahay)

0

(Quddus) 15 Nof 2019 – Waxaa soo baxay muuqaal argagax leh oo ku saabsan haweenay Yuhuud ah oo ka tirsan Booliiska Israel oo si ”baashaal ah” u tooganaysa nin Falastiini ah.

Muuqaalkan oo si aan ku tala gal ahayn loo dusiyay, ayaa la rumaysan yahay inuu ka dhacay isbaarada al-Zaim ee Quddus, waxaana ka muuqda ninka oo marka hore lagu amrayo inuu iska boxo meel dusmo ah hoosteeda. ”Ka tag meeshan” ayay ku qaylinaysaa haweenaydu.

Ninka ayaa bilaabaya inuu si tartiib ah u socdo isagoo gacmaha sare u taagaya, balse min biloow ilaa dhamaadka waxaa saaran liishaanka qoriga haweenaydu haysato.

Deeto marka uu marayo geesta kale ee looga boxo dusmada, ayay dhabarka hal xabbo uga dhufanaysaa, taasoo markiiba dhulka ku ridaysa ninka.

Waxaa markiiba la arkayaa ninka oo xanuun dartii dhulka galgalanaya, iyadoo muuqaalkan laga sii daayay TV ay Yuhuuddu leedahay.

Hadalsame Media