GUUXA DADWAYNAHA: Aragtida dadwaynaha Dhuusamareeb & Guriceel ee xiisadda DF & Ahlu Sunna (Dad noo warramay)

0

(Dhuusamareeb) 03 Nof 2019 – Xiriir uu Hadalsame Media la sameeyay magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Guriceel ayaan ku xoog waraysannay sida uu xaalku haatan yahay iyo guud ahaanba ra’yul caamka dadka degaanka.

”Wax aan mandate lahayn oo aan dhamaad iyo bilow lahayn cid abidkeed iska taageeri kartaa ma jirto, dadku waa daaleen oo dowladnimo ayay doonayaan.” ayuu Hadalsame Media u sheegay Cabdinuur oo ka mid ah ganacsatada ku nool Dhuusamareeb.

Aragtida dadka degaanka ayaa haatan u janjeerta dhanka DF Somalia, iyadoo guud ahaan ay jirto aragti ay qabaan dadka gobolka Galmudug oo waloow ay Ahlu Sunna u arkaan koox timid xilli beri loo baahnaa misna aad u dhaliilsan inay gadaal ka noqotay ”qurub siyaasadeed” oo aan cidna u bislaanayn, isla markaana ka baxsan xayndaabka siyaasiga ah oo haatan u qabsan DF iyo kooxda Shabaab.

”DF haddii ay xitaa isku deyi lahayd inay odayaasha u waydiiso 35 xildhibaan oo ay sheegeen in lagula heshiiyay iyagii baa ku hor ordaya oo kabaha ka goynaya!” ayuu yiri Cabdulqaadir oo ka mid ah dhallinyarada Guriceel oo u warramay Hadalsame.

Ha yeeshee, waxaa jira dad DF Somalia ku eedeeyay laba arrimood, midi waa jiitanka maamul dhisidda Galmudug oo ku fiicnaa in la raaciyo isla dhamaadkii shirkii lagu sheegay dib u heshiisiinta ee Dhuusamareeb.

”Geeso lo’aad kulaylka ayaa lagu gooyaaye, waxay ahayd in Doorashada horay laga raaciyo, laakiin jiitanka ayaa abuuray fursado ay dadka qaar ku neefsadaan oo wax ku gocdaan.” ayuu yiri Caanageel oo ku sugan Dhuusamareeb.

Khaladka kale ee DF Somalia la saaray waa inaan marka horeba loo baahnayn inay koox qaab siyaasadeed u abaabulan ay heshiis kula galaan xildhibaanno gaar ah, sababtuna waxay tahay inaysan DF Somalia taas awood u lahayd dastuuriyan, maadaama ay maamul dhisiddu noqonayso howl ay u madax bannaan yihiin dadka gobolku, qaab ay wax u qaybsadaanna ay leeyihiin sax iyo khaladba, sidaa darteed, DF waxay ciyaartay door aysan xaq u lahayn.

”Dowladdu waa dowladdayadii, balse xildhibaannada loo qaybsanayo ma aha shaqo iyada u taalla, kaliya waxaa iyada khuseeya sugitaanka amaanka iyo fududaynta habsami socodka farsamo ee maamul dhisidda.” ayuu yiri Cabdulqaadir oo diidey inuu magaciisa labeeyo.

Hadalsame Media