Aan jeedaalinno jidkii ay martay RWANDA kaddib markii ay JABTAY!!

0

(Hadalsame) 03 Nof 2019 – Dowladda Ruwaanda waa in aan wax badan ka baranaa maxaa yeeley waa wadan dagaal sokeeye oo aad u fool xun galey 800,000 oo qafood ayey iska dileen, waxey iska burburiyeen sideena oo kale haykalkii dowladnimo iyo is aamminaadii bulsho balse maanta waa ka soo kabteen.

Ruwaanda waa wadan maanta dib u dhisey haykalkiisa dowladnimo, amni ah dadkiisa intiisa badan waxey ka baxeen xaallada faqrinimo islamarkaana waxey hiigsanayaan 2020 in ay noqdaan (middle-income nation).

Qaarada Afrika wadamo yar ayaa ka ah (middle-income nation) waxeyna kala yihiin Angoola, Bostawaana, Equatorial Guinea, Gaboon, Mauritius, Naamiibiya iyo Koonfur Afrika.

Ruwaanda maanta waa dalka kowaad ee qaarada Afrika ee dadkiisu mideysan yihiin dowladoodana ay ku kalsoon yihiin. Tirakoob shacabka laga qaadey 2014 kii ayaa arintaa lagu ogaadey. 90% dadka Reer Ruwanda waxey kalsooni u muujiyeen dowladdooda.

Ruwaanda waxey kamid tahay wadamada ugu musuqmaasuqa yar qaaradda Afrika. Dadaalkaas iskama iman waa shaqo la qabtey.

Dowlada Ruwaanda howsha waxey ka bilowdey dib u heshiisiin tuulo ilaa gobol, kalsoonidii shacabka ayaa dib loo dhisey amnigii iyo cadaaladii baa laga shaqeeyey, musuqmaasuq baa lala dagaaley haykalkii dowlanimadii baa la dhisey, shaqaalaha dowladda ayaa la tayeeyey, Booliiskii iyo shaqaalaha maxkamadaha ayaa tababar sare la siiyey.

Arrimahaas oo idil waxaa lagu gaarey dib u heshiisiin iyo deganaasho siyaasadeed. Waa laba shey ee Soomaalida ka maqan. Wadan haddii siyaasadiisu degganayn ma heli karo amni, horumar kalena ma hiigsan karo.

Soomaaliya maanta waxaan xiriirba ka dhaxeynin maamul federaalyadii iyo dowladda qalqal siyaasadeed ayaa jira. Xisbiyadii siyaasada iyo Dowladda isfahan guud kama dhaxeeyo. Geedi socodka dowlad dhisida Soomaaliya hakad bey ku jirtaa. Loolan siyaasadeed baa taagan oo dib u soo kabashada dalka iyo horumarkiisa dan u ahayn.

Waxaan u baahanahay in wadanka Ruwaanda daraaseyno wax badana ka barano nidaamka iyo dariiqa ay u mareen dib u dhiska dalkooda iyo dowlanimadiisa.

Qalinkii: Ilyaas Maxamud Xuseen

Hadalsame Media