(Seoul) 31 Okt 2019 – Ciidamada Xoogga South Korea ayaa sheegay in North Korea ay maanta meel ku beegan baddeeda bari ka riddey laba gantaal oo aan la aqoonin.
Tillaabadan ayaa loo arkaa mid ay Pyongyang ku shaxaadayso Maraykanka oo ay isku fahmi waayeen wada xaajoodyo naadir ahaa oo ku saabsanaa hub ka dhigista nukliyeerka ah ee dalkaasi, sida ay doonayso Washington.
Abaanduulka Ciidamada South Korea ayaa sheegay in hubkan laga ganay meel u dhow caasimadda North Korea ee Pyongyang, balse ma xaqiijin nooca hubkaasi yahay, inuu baalistik ama madfac yahay iyo masaafadiisa toona.
Woqooyiga Kuuriya ayaa hubkan rididiisa soo raacisay war rasmi ah oo ay ku saluugayso wada hadallada gaabiska ah ee Maraykanka, iyadoo dalbatay in laga khafiifiyo cadaadiska iyo cunaqabataynta saaran nidaamka Pyongyang.
Horraantii bisha, waxay Woqooyiga Kuuriya tijaabisay gantaal baalistik ah oo ay ka riddey badda gunteeda markii ugu horreeysey muddo 3 sanadood ah.

Hadalsame Media