”Walaalayaal sinaba ugama aamusi karno musiibada dabiiciga ah ee ku habsatey dadka reer Beledwayn!” – C/raxman Cirro

0

(Hargaysa) 30 Okt 2019 – Guddoomiyaha xisbiga Waddani ee Somaliland, Cabdiraxmaan Cirro ayaa bulshada Somalilad ugu baaqay in loo gurmado dadka ay saameeyeen fatahaadaha webiyada Shabeelle iyo Jubba, wuxuuna yidhi;

“Walaalayaal; waxa aan sinnaba looga aamusi karin masiibada dabiiciga ah ee ku habsatay dadka Soomaaliyeed ee ku teedsan Wabiga Shabeelle gaar ahaan magaalada Beledweyne.” ayuu ku bilaabay Md Cirro.

”Sawirrada iyo muuqaallada argagaxa leh ee laga soo tebinayaa waxa ay inoo muujinayaan waxyeelada weyn ee soo gaadhay dadkaa Soomaaliyeed ee aynu walaalaha nahay isla markaana dhiig iyo dhaqanba wadaagno.

”Waxa aan dhammaan shacabka reer Soomaalilaan ugu baaqayaa kana codsanayaa in ay u fidiyaan gargaar isla markaana gacan ka geystaan gurmadka loogu jiro samata-bixinta maatada waxyeelladu soo gaadhay ee reer Baladweyn.” ayuu ku baaqay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani.

Waa siyaasigii ugu horreeyay ee dhanka Somaliland ka hadla daadadka harqiyay magaalooyin ay ugu daran tahay Beledwayn.

Warar uu Hadalsame helayo ayaa sheegaya in ay dadwaynuhu ololayaal gargaar ururin ah ka bilaabeen magaalooyinka Burco iyo Laascaanood.

Hadalsame Media