Qoraa caan ah oo gabadhiisa SABAB la yaab leh ula kulansiiyay Ilhaan Cumar, u jeedkiisa

0

(Washington, DC) 29 Okt 2019 – Dr. Simran Jeet Singh oo ah barbaariye, qoraa iyo gayfane ka dhiidhiya kana hadla siyaasadaha iyo wararka lagu beegsado Muslimiinta iyo Sikhi-ga ayaa sabab la yaab leh gabadhiisa yar ula kulansiiyay Ilhaan Cumar, si uu u tuso waxa ay noqon karto iyadoo laga tiro badan yahay.

Wuxuu Twitter-kiisa kusoo qoray sidatan: ”Waxaan doonayaa inay gabadhaydu ogaato inay wax kasta fali karto, xitaa iyadoo ah gabar aan caddaan ahayn diin ahaanna laga tiro badan yahay.”

”Waxaan sidoo kale doonayaa inay aragto in duubkaygu uu yahay il awoodeed, sidaa darteed, waxaan u waday Washington DC si ay ula kulanto Wakiil Ilhan Omar. Xildhibaanad ka naxariis badan ma arag.” ayuu daba dhigay.

DULUCDA – DR Simran ayaa doonaya inuu gabadhiisa dhiirri gelin uga dhigo in ay samayn karto waxa ay samaysay Ilhaan oo ah gabar ay isku khaanad ku jiraan, marka la eego sida ay u abaabulan tahay bulshada Maraykanku.


Hadalsame Media