Gabar Muslim ah oo loo diidey in ay meel KALAAB ah gasho iyadoo madax daboolan oo dood kicisay + Sawirro

0

(Sydney) 29 Okt 2019 – Haweenay Muslim ah ayaa dood ka keentay in loo diidey naadi habeenkii lagu caweeyo, iyadoo xijaab xiran, kaddib markii ay diiddey inay tuurto.

Soaliha Iqbal ayaa saf kula jirtey saaxiibadeed naadi ku yaalla magaalada Sydney, kaddib markii uu mid ka mid ah ilaaladii goobtu uu ku amray inay siibto madax daboolka, kaddib markii ay u dhiibtey kaadhkeeda aqoonsida.

“Wuxuu farta ku fiiqay xijaabkayga, wuxuuna yiri ‘iska fur’,” ayay Ms Iqbal oo 21-jir ihi u sheegtay 5Why.

Ms Iqbal ayaa sheegtay inay aad ula “yaabtay” dalabkaasi, iyadoo sida ay sheegtay uu kalaam jawaab ihiba kasoo bixi waayay, balse waxay tilmaantay in ninka ilaalada ihi uu dalabkiisii ku celiyay weliba si dagaal oo kale ah, iyadoo weliba loo sheegay inaysan 50 tillaabo usoo jirsan karin kalaabka.

Craig Wesker, oo ah Maareeyaha Howlaha Ryan’s Hotel Group oo iska leh naadiga lagu caweeyo ee Paragon, ayaa se markii dambe Ms Iqbal ku raalli geliyay bogga Facebook, isagoo sheegay in waardiyuhu uu shaqada ku cusbaa.

Hadalsame Media