DIGNIIN: Duufaantii ugu CUSLAYD oo ku dhufan karta gobollada Woqooyi Galbeed & Woqooyi Bari Somalia

0

(Muqdisho) 29 Okt 2019 – Duufaantii ugu cusleyd muddo 12-sano ah ee lagu arko badda carbeed ayaa u soo leexatay xeebaha bari ee Soomaaliya, sida ay sheegtay saadaashu.

Duufaantan ayaa ku beegneed kol kii hore xeebaha dalka Cummaan,sida uu ku waramay wargeys-ka “Washington Post.

Hadaba Duufaantani waxay lee dahay halisteeda, waxaa loo baahan yahay dadka daga xeebaha Raasi Casayr, Caluula, Bareeda, Xaabo, Geesaley, Murcanyo, Boosaaso, ilaa iyo Laas Qoray aad haloola socdo.

Dufaanta ayaa ku socota xawaare gaaraya 150 mayl halkii saac oo ka dhigan 240 km saacadii. Waa xawaare aad u sareeya oo xataa baabuur uusan ku socon karin,tan kale roobab lixaadle ayeey wadataa,Dadka xeebaha dagan siiba Caluula iyo Xaabo oo aad xeebta u saaran.

Duufaantan ayaa sidoo kale ku dhufan karta gobollada woqooyi ee dalka Somalia, gaar ahaan dhinacyada xeebaha sida Berbera iwm.

Amaana Allah!

Waxaa Diyaariyay: Axmed Cali Kaahiye

Hadalsame Media