(Hadalsame) 28 Okt 2019 – Magaalada Riyadh oo ah caasimadda dalka Sucuudiga, waxay ahayd Sannadkii 1960-kii magaalo yar oo leh dhismooyin teel-teel ah oo aan qurux badneyn indhahana soo jiidaneyn qaarkoodna ka sameysnaa dhoobo waxaana ku noolaa dad lagu qiyaasay 150-kun oo qof keliya.
Maanta Magaalada Riyadh waxay noqotay mid kamid ah magaalooyinka ugu waaweyn Bariga-dhexe lehna dhismooyin iyo wadooyin si heersare ah loo dhisay,Waxaana kunool dad gaaraya 6 Milyan oo qof iyadoo noqotay meel loo soo doonto ganacsiga iyo waxbarashada.
Hadii aynu eegno Magaalada Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya Sannadkii 1960-kii waxay aheyd Magaalo daaro waaweyn oo aad u qurux badan leh wadooyin bilicsan oo nadaafadoodu ay heer sare aheyd lagu yaqaaney waxaana caan ay ku ahayd ganacsiga Bariga Afrika.
Muqdisho waxay lahayd goobo jardiinooyin ubaxyo qurux badan lagu beeray oo lagu nasto indhahana soo jiidanaya.
Magaalada Riyadh way horumartay, ilaa ay meel sare gaartay.
Magaalada muqdishana dib ayey u laabatay intii bur burka lagu jirey haatan ayeysa dib boorka isaga jafeysaa oo u soo ceshaneysaa quruxdeedii iyo bilicdii lagu yaqaaney.
Sawirka koowaad waa Magaalada Muqdisho iyo Sannadkii 1960-kii sida ay aheyd.
Sawirada labaad iyo sadexaad waa Sannadkan 2019-ka iyo Magaalada Muqdisho.
Sawirada Kuwa hoosena waa Magaalada Riyadh ee dalka Boqortooyada Sacuudiga sida ay aheyd Sannadkii 1960-kii iyo hadda sida ay isu badashey.
Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.
Diyaariye: Mustaf Cawil Xasan
Hadalsame Media