DAAWO: Hoteel 4-xiddigood ah kii ugu horreeyay oo Xamar laga furay (Dood ka taagan cidda iska leh)

0

(Muqdisho) 26 Okt 2019 – Waxaa la dhamaystiray hoteel noqon doona midka ugu casrisan magaalada Muqdisho oo laga furay gudaha Gegada Dayuuradaha Aadan Cadde.

Hoteelkan oo ay dhismihiisa fulisey sharikad Turki ah ayaa ah nooca 3 ama 4 Xiddigood, kaasoo adeegyo badan oo heer caalami ah bixin doona.

Hoteelkan ayaa leh 118 qolal jiif oo casri ah, hoolal lagu qabto shirarka oo ilaa 5 gaaraya, iyadoo uu madaxa hoteelkan oo u dhashay Turkigu uu ku falax gooddiyay inuu xitaa iman doono Madaxwaynaha Turkiga ”si uu u xarigga uga jaro!”.

Lama oga cidda hoteelkan iska leh, inay Turkigu leeyihiin, inay DF Somalia leedahay.

Hadalsame Media