DF Itoobiya oo war cusub kasoo saartay dhoofinta shidaalka Gobolka Soomaalida (Saamiga ay helayaan)

0

(Addis Ababa) 25 Okt 2019 – Wasiiru dawlaha wasaaradda macdanta iyo shidaalka ee Ethiopia Dr. Kuwank Tutlan oo maanta wareysi siiyay telefishinka Faana ayaa sheegay in sanadkan ladhamaystirayo xidhiidhinta tuubooyinka qaadaya shidaalka caydhiin ee isku xidhaya goobaha shidaalku ka soo baxayo ee deegaanka Soomalida iyo dalaka Jibuuti, wada xaajoodka arintaasi lagu fulinayana uu meel fiican marayo.

Wasiiru dowlaha ayaa sidoo kale sheegay in ilaa hadda la iib geeyay 3,900 Barmiil oo tijaabo ah, halka 1,000 Barmiilna keyd ahaan loo dhigay.

Wasiirka oo wax laga waydiiyay saami qaybsiga shidaalka ayaa sheegay in lagu saleyn doono go’ankii ay golaha fadareeshinku soo saareen ka soo ah sidatan:

Deegaanka Soomaalida: 50%
Dowladda Federaalka Ethiopia: 25%
Deegaanada kale: 25%.

Waxaa Diyaariyay: Fu’aad Xaaji Cabdiweli

Hadalsame Media