Maxaa ka raacay nin CUNSURI ah oo caayay gabar madow ah (Daawo)

0

(Hadalsame) 22 Okt 2019 – Kaamirada amaanka ayaa muujinaysa mar uu nin cunsuri ihi midabkeeda dartii ku maagay gabar madow ah, balse uu feer dhulka la dhigay nin kale oo madow ah oo goobta taagnaa.

Muuqaalka ayaa muujinaya ninka caddaanka ah oo caayaya gabadha madoow oo uu la socdo ilmo yari, jeer ay sii galaysey meel dukaan ah.

Ninka cad ayaa la sheegay inuu gabadha u adeegsadey kelmadda na’da, taasoo keentay inay iskaga tagto iyadoo xanaaqsan.

Balse isagoo weli kasii daba qaylinaya ayaa waxaa feer miisaankiisu culus yahay ku kediyay nin madow ah oo wejiga ku dhuftay, taasoo uu dhulka la galay isagoo wareersan.

Wuxuu isku dayay inuu markale soo hinqado, balse isla ninkii ayaa dhowr kale u biisay, wuxuuna isagoo gagabaya ku dhacay albaabka dukaanka.

Hadalsame Media