(Hadalsame) 22 Okt 2019 – Waxaa jira 10 walxaato oo aysan wanaagsanayn inaad Google gareeyso ama ku baarto matoorka dunida ugu wayn ee internet-ka wax lagaga baaro. Halkan ka eeg qaybtii 1-aad.
3 – MAGACAAGA
Haddii aad isku daydo inaad magacaaga Google garayso, waxaad ka dul dhici kartaa natiijooyin aanad jeclaysan; sawirro xun xun oo aad leedahay, xogo duugoobey, kuwaasoo aad ka murgi karto haddaadan ogayn. Waxaa dhici karta inaad jeclaan lahayd in xogahaa laga masaxo internet-ka, balse lafteedu arrin sahlan maaha, sidaa darteed, magacaaga ha baarin. Halkan ka daawo qaybtii 2-aad.
2 – SIDA FIN-DOOBKA LOO BAABI’IYO
Kani waa ka yara duwan yahay, waayo ma aha wax ku cabsi gelinaya ama dhib amaan ku gelinaya, balse waqti badan buu kaa cunayaa oo xogiba mid bay kuu dhiibaysaa, oo waad ku yabaalaysaa.
1 – SIDA LOO DHALO
Ugu yaraan aflaamta waad ku aragtay haweenay fool ah oo lala cararayo ama saaran sariirta dhalmada. Dumar af labadii yeeraya oo ay dhakhaatiirtu dejin kari la’yihiin, waa arrin kadeed badan xitaa marka aad filim ka daawanayso.
Yeelkeede, foosha runta ihi boqol jeer bay ka belo badan tahay midda jilliinka ah, sidaa darteed, haweenka daawada waxay aflaamtani xitaa nacsiin karaan inay ilmo dhasho, sidaa darteed, haba xitaa isku deyin inaad baarbaarto, xitaa dhalmada C-section-kaba ku daroo.
DHAMAAD
Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji
Hadalsame Media