
(Washington, DC) 21 Okt 2019 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa sheegay inuu “si buuxda ugu diyaarsan yahay” inuu cudud ciidan u adeegsado Turkiga haddii “loo baahdo,” sida uu sheegayo Wasiir Dibadeedka Maraykanka ee Mike Pompeo.
Pompeo ayaa se sheegay in Washington ay marka hore doorbidayso “awood diblomaasiyadeed”, mar uu waraysi siinayay CNBC, kaasoo lasii daynayo maanta gelinta dambe xilliga Maraykanka.
”Balse haddii ay dhacdo in loo baahdo tillaabo ciidan, waa inaad ogaataa in MW Trump uu si buuxda ugu diyaarsan yahay inuu tillaabadaa qaado.” ayuu yiri.
Ha yeeshee, wuu ka gaabsaday inuu faahfaahiyay tillaabada ciidan ee ay qaadayaan haddii ay “baahidaasi timaado.”
Maraykanka ayaa ku socda siyaasad aan la saadaalin karin, taasoo uu ugu wacan yahay Madaxwaynaha iminka xilka haya, iyadoo uu Maraykanku isaguba faragelin ku hayo dalalka uu Turkiga oo deris la ah u diiddan yahay.
Hadalsame Media