CEEB: Rag 60 kun oo doollar ka dhacay hoteel ku yaalla Eastleigh oo BOOLIIS noqday (Maxkamad lasoo taagey)

0

(Nairobi) 16 Okt 2019 – 9 askari oo ka tirsan Booliiska Kenya oo loo haysto inay $60,000 oo doollar ka dheceen laba nin oo Soomaali ah oo ku sugnaa Barwaaqo Lodge oo ku taalla xaafadda Eastleigh ayaa dafiray inay dembi galeen.

Nimankan oo dhaca gaystey laba todobaad kahor ayaa ku eedaysan ilaa 8 dembi sida gacan ka hadal, dhac, ku tumashada kalsoonidii shacabka, mu’aamarad iyo eedaymo kale, waxaana wejiyadooda laga arkay kaamirooyinka amaanka ee CCTV.

Nimanka ayay Maxkamaddu dhegeysatey inay dembiga ku keceen 27-kii Sebtembar ilaa 4 Oktoobar, 2019.

Nimanka ayaa la sheegay inay dhaca u adeegsadeen hub-gacmeed, iyagoo sidoo kale watey gaari ay isna soo xadeen, sida la tuhmayo.

Mid ka mid ah askartan dhaca gaysatey oo ah PC Simon Mwandiki ayaa baarayaasha geeyay gurigiisa, halkaasoo laga soo helay qaar ka mid ah walxo ay dheceen.

Yeelkeede, waloow ay dembiga qiran la’yihiin misna waa loo diidey in xitaa damaanad lagu sii daayo, maadaama la sheegay inay bulshada halis ku yihiin.

Waxaa ku jira mid anjabi ah, kaasoo laftiisu askari ah.


Hadalsame Media