(Nairobi) 11 Okt 2019 – Wax ka ogow, Sida ay u dhacday khiyaanada Ciidamada Kenya Daqiiqadii ugu dambeysay ku caawiyeen Axmed Madoobe. Mid ka mid ah wargeysyada ugu caansan dalka Kenya oo la yiraahdo ‘Hivisasa’ ayaa banaanka soo dhigay arrin dad badan aysan war u haynin. Warbixinta Wargeyska oo ah mid dheer ayaa sidaan ku billaabatay.
Warbixinta oo Turjuman! Ciidamada Kenya ee ku sugan Jubbada Hoose ayaa ka caawiyey Madaxwayneha Jubbaland Axmed Madoobe in mar kale uu soo ceshto awoodiisa Maamulka deegaanka islamarkaana uu ixtiraam ka helo xoogag gudaha iyo dibedda ah.
Tan iyo Bishii Agoosto dowladda Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxwayne Farmaajo ayaa ka soo horjeerday guusha Madoobe iyadoona dowladda Kenya ku eedeysay inay gadaal ka riixeyso sii joogitaankiisa. Bil ka badan, xukuumadda Soomaaliya ee Madaxwayne Farmaajo waxaa ay weecisay duullimaadyada tooska ah ahaa ee Kismaayo oo la faray inay soo maraan Magaaladda Muqdisho.
Taasi waxay ahayd farsamo looga hortagayey xafladda Caleema-saarka ee Axmed Madoobe taasoo labo jeer baaqatey. Laakin Sarkaal sare oo ka tirsan dowladda Kenya islamarkaana Magaciisa qariyey ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ay kaalin weyn ka ciyaareen agaasinta in diyaarad toos ah ay ka soo kacdo Magaaladda Neyroobi deetana ay si toos ah u soo caga-dhigato madaarka Kismaayo Sabtidii la soo dhaafay.
“Ciidamada Kenya ayaa soo galbiyey Diyaaradda oo siday saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa hore waxayna si toos ah kaga degtay Kismaayo, iyadoo uu taaganyahay amarkii dowladdda Soomaaliya,” sidaas waxaa wargeyska u sheegay sarkaal sare oo Kenya u dhashay. “Wax dhici karay ma jirin, dowladda Kenyana waxay xaqiijisay inuu dhaco caleema-saarku islarmarkaana Munaasabadda ay hesho waxay u qalanto.
Ciidamada Kenya waxay qeyb ka qaateen daad gureynta saraakiisha ka qeybgalaysa Caleema-saarka,” ayuu yiri sarkaalka Kenya u dhashay oo aan bixin tafaasiil intaas ka badan. Khiyaanada daqiiqadii ugu dambeysay ee Ciidamada Kenya ku soo galbiyeen diyaaradda tagtay Kismaayo ee jabisay amarkii dowladda dhexe ee Soomaaliya waxay kaga sii dartey xaaladda waxaana Soomaaliya ay ku riixdey inay gudbiso ashtago ka dhan ah Kenya oo ku xadgudubtey hawadda Soomaaliya.
Waxaa Soomaaliya ay sheegtey in Kenya jabisay Sharuucda caalamiga ah ee Duullimaadyada Hawada. Dadka saarnaa diyaaradda ka soo kacday Neyroobi waxaa ka mid ahaa hoggaamiyaashii Maamullada Galmudug Cabdikariin Guuleed iyo Shariif Xasan Shiikh Aadan. Sdoo kale waxaa safarka qeyb ka ahaa xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.
Inkastoo maalinta caleema-saarka ay wali tahay arrin sir u ah Maamulka Jubbaland, haddana Madaxwayneha Puntland Siciid Deni ayaa Arbacadii tagay Magaalada Kismaayo, taasina waxay muujinaysa calaamad ah in Caleema-saarku dhacayo waqti aan la aqoon. Sarkaal kale oo Kenya u dhashay ayaa Soomaaliya ku eedeeyey inay ku qaldantahay in Kenya ay ka dacweyso Qaramada Midoobey waaxdeeda duullimaadyada caalamiga ah, waxaana sarkaalku sheegay in Kenya aysan awood u lahayn inay maamusho duullimaadyada rayidka ah ee gaarka loo leeyahay.
“Waxay u muuqataa olole boor isku qaris ah oo Kenya lagu fool-xumeynayo, balse ma nihin kuwa xun waxaana nahay kuwa u hoggaansan shuruucda caalamiga ah. Xaqiiqatana masuuliyadda hawada Soomaaliya waxay saarantahay dowladda Soomaaliya,” sidaas waxaa yiri sarkaalka Kenya u dhashay oo isna aan magaciisa shaacin.
Iyadoo Axmed Madoobe hadda caleema-saarkiisu socdo ayaa waxaa arrimahaan ugu dambeeyey ay sii hurinayaan xiisadaha ku dhaxeeya Kenya iyo Soomaalya oo xariirkoodu waahayaanba liitay. Ciidamada Kenya oo micno ahaan u taagan qeybta 6-aad iyo 2-aad ee howlgalka AMISOM ayaa waxay ka howlgalaan Jubbaland waxaana lagu eedeeyey in dhowaan ay hor istaageen diyaarad ay leedahay Itoobiya oo dooneysay inay Kismaayo ka degto.
Dowladdaha Kenya iyo Soomaaliya ayaa horey ugu murunsanaa qeybo ka mid ah badweynta Hindiya waxaana labada dal dacwadoodu hortaalaa Maxkamadaha caalamiga ah ee cadaalada ee Magaalada Hague. Axmed Madoobe oo muddo ka badan 8 sanno ahaa Hoggaamiyaha Jubbaland ayaa ciidamada Kenya ka caawiyey inay al-Shabaab ka saaraan Magaaladda Kismaayo isagoo kaashanayay Maleeshiyadiisa loo yaqaano Ras-kambooni. Wuxuu baryihii ugu dambeeyay dagaal ugu jiray sidii uu u heli lahaa hoggaamiyaal kala soo qeybgala caleema-saarkiisa.
Waxaa Turjumey: Maxamed Odawaa
Hadalsame Media